Iyada oo Maalintii Shalay ahayd deegaanka Mareero oo hoostaga degmada jawiil ee gobalka Hiiraan uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa waxa haatan bilowday waan waan lagu xalinaayo maleeshiyaadka dagaalamay.
Waxgaradka labada beelood oo ay dirirtu ka dhaxayso oo isku tagaya ayaa waxa ay maanta u balansan yihiin in xal siwada jir ah uga gaaraan dagaalkaasi soo cusboonaaday.
Cali cumar oo kamid ah waxgaradka degmada jawiil ee gobalka Hiiraan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in ay qorsheenayaan in ay wadahadal ka galaan arrinta dagaalkaasi soo cusboonaaday.
Waxa uu ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee kuwada dagaalamaya degmada jawiil in ay dagaalka joojiyaan wax walbana wadahadal lagu wada xaliyo.
Wararkii ugu dambeeyey ee saaka aan ka heleyno deegaankii lagu dagaalamay ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,hayeeshee maleeshiyaadkii dagaalamay ay halkaasi ku wada sugan yihiin.

