Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: TV-ga Universal oo laga mamnuucay Degaanada Hirshabeelle

Jowhar-RisaalaFM- Wasiirka warfaafinta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mahad Xasan Cusmaan oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Jowhar ayaa waxa uu ka hadlay warar been abuur ah oo ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta taasi oo aheyd in Maamulka Hirshabelle uu san qeyb ka aheyn Madaxda ka qeyb galeysa shirka Magaalada London ee wadanka UK ka furmaya 11-ka May.

Wasiirka Warfaafinta Hirshabeelle Mahad Xasan Cusmaan ayaa been abuur ku tilmaamay warkaasi oo uu baahiyay TV-ga Universal waxaana gabi ahaanba laga joojiyay Shaqada TV-ga universal ee degaannada Hirshabelle.

Wariyaha Universal ee Magaaladaasi Ismaaciil Cabdulle Sabriye ayaa loo taxaabay xabsiga, iyadoo qalabkii uu ku shaqeynayay Wariyahaasi lagala wareegay.

Mahad Xasan Cusmaan waxa uu sheegay warkaasi in Shacabka uu dhibsaday dhagahooda, isaga oo shacabka ugu bishaareeyay in Madaxweynaha Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble uu ka qeyb gali doono Shirka London ka furmaya.

Mudane Mahad Xasan waxaa uu tibaaxay in Dowlad Goboleedka Hirshabelle uu san qeyb ka aheyn Qorshaha Qaranka ee Dowladda Federalka Soomaaliya ay wado iyadoo labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe uu qeexay in markii la dajinayay Qorshaha Qaranka uusan Maamul u dhisneen.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/05/mahad-xasan-cusmaan-wasiirka-warfafinta-hirshabelle.mp3?_=1
Exit mobile version