Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Soomaalida K/Afrika oo baaq u diray DF

K/Afrika-RisaalaFM- Soomaalilda Koonfur Afrika ayaa waxa ay ka hadleen ansixintii Golaha Wasiirada, waxayna sheegeen in ay soo dhaweynayaan go’aankii xildhibaanada Baarlamaanka ay ku ansixiyeen.

Waxa ay sheegeen Golaha Wasiirada Soomaaliya in looga baahan yahay in ay u shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed, xilkoodana ay ka soo baxaan, si guulo loo gaaro.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay rajeyanaan Dowladda dhalatay in lala shaqeeyo ilaa waqtigeeda uu ka dhammaado, lana eego sida ay uga mira dhaliyaan wadanka iyo wax qabadkiisa.

Madaxda Dowladda Federaalka ayay ka dalbadeen in Mas’uuliyiinta Koonfur Afrika ay kala hadasho dilalka Soomaalida loogu geysanayo dalkaasi, sidoo kalena dhaca loo geysanayo hantidooda.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/03/cod-koonfur-afrika.mp3?_=1
Exit mobile version