Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Soomaalida Koonfur Afrika oo xaalad cabsi ah ay soo food saartay

K/Afrika-RisaalaFM- Dalka Koonfur Afrika oo ay goobo ganacsi ku leeyihiin dhalinyaro fara badan oo Soomaaliyeed ayaa mararka qaar waxaa loo geystaa dilal iyo sidoo kale in la boobo mehradaha ganacsi ee ay ku leeyihiin dalka Koonfur Afrika.

Dalka Koonfur Afrika dhowaan waxaa ka bilaaban doonta qaban qaabada Doorashada Madaxtinimo ee dalkaasi, waxaana hada magaalooyinka waa weyn ee dalka Koonfur Afrika ka socota Olaha iyo Diyaargarowga xisbiyada ka qeyb galaya Doorashada.

Qaar ka mid ah Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Koonfur Afrika oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi uga digeen in boob loo geysto hantidooda maadaama dhowaan ay bilaabaneyso Doorashada madaxtinimo ee dalkaasi.

Waxa ay sheegeen xilliyada ay soo dhowdahay Doorashada oo dalka uu galayo mashquul fara badan in boobka ugu badan loo geysto mehradahooda ganacsi ee ay ku leeyihiin dalka Koonfur Afrika.

Madaxda dalka Koonfur Afrika ayaa mar walba waxa ay ku baaqaan la joojiyo dilalka loo geysanayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku ganacsata dalkaasi, waxaana dilalkaas inta badan geysta kooxo burcad ah oo ka soo jeeda dalka Koonfur Afrika.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/08/Cod-Koonfur-Afrika.mp3?_=1
Exit mobile version