Muqdisho-RisaalaFM- Musharax Madaxweyne Cali Xaaji Warsame oo maanta dalka dib ugu soo laabtay laguna soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay arrimo fara badan oo la xiriira xaalada Dalka hada uu jiro, kuwaas oo ay ka mid yihiin Abaaraha, Amniga iyo Doorashooyinka,.
Mar uu ka hadlayay Abaaraha Dalka ka jira ayaa waxa uu sheegay maanta Soomaaliya in ay u baahan tahay in dhiigeeda la badbaadiyo, maadaama dalka ay jiraan Abaaro aad u daran, kuwaas oo sameeyay Dadka iyo Duunyada, Waxa uu sheegay in aysan jirin Dowlad u gurmaneysa oo dadka Soomaaliyeed la qeyb saneysan dhibaatada.
Dhanka kale Musharax Madaxweyne Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay Musharaxiinta isaga uu ka mid yahay in ay rajeynayaan in ay bilaabaan wadajirka iyo masaalixada in ay ka shaqeeyaan nabada iyo hormarka, in ay ilaaliyaan xeerka iyo wixii lagu heshiiyay.
Waxa uu sheegay cid alaala cidii la doorto iyo Qofkii ay u codeyeeyaan Baarlamaanka in uu diyaar u yahay in uu la shaqeyo, si dalka uu uga baxo cakirnaanta uu hada ku jiro.
Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa ka mid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu horey u soo noqday wasiirkii hore ee Waxbarashada Maamulka Puntland.
