Shir looga hadlayo Qorshaha Qaranka ayaa maanta si rasmi ah ugu furmay Magaalada Cadaado ee xarunta Gobolka Galgaduud, waxaana shirkaasi ka qeyb galay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Galmudug, Ururrada bulshada Rayidka, Madax ka socotay maamul goboleedyada qaar iyo Masuuliyiin ka socota Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Qodobada ugu Waa weyn ee shirkan looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Qorsheynta Adeegyada Aas Aasiga ah Sida Caafimaadka, Waxbarashada, Amniga, Dhaqaalaha Dhismaha Waddooyinka iyo Arrimo kale.
Masuuliyiin ka socotay maamul goboleedyada qaar ee dalka ka jira oo Furitaanka shirka ka hadlaya ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan qorshaani isla markaana ay geynayaa deegaanada ay ka yimaadeen.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada qorsheynta Qaranka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya oo shirka furay ayaa sheegay in Dowlada aysan shaqeyn Karin hadii aan la helin qorshe sax ah.
Waxa uu madaxda maamul goboleedyada shirka ka qeyb galaya ugu baaqay in ay sii hormariyaan Barnaamijkan loogu hadlayo aayaha Qaranka.
