Gudoomiye ku xigeenka dhanka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Hiiraan oo isagoo ku sugan magaalada Jowhar la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dib loo bilaabayo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in la xaliyay dhamaan cabashadi ay qabeen beelaha dega Hiiraan islamarkaana ay ogolaadeen in ay ka qeyb galaan shirka Jowhar.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale sheegay in ay jirto dib u dhac ku yimaaday shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Wuxuu sheegay in muddo uu hakad ku jira dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe, isla markaana uu jiro dib u dhac weyn oo qasbay in waxyaabo badan aysan suuro galin.
Shalay ayaa waxaa Magaalada Jowhar gaaray ergooyinkii gobolka Hiiraan ugu qeyb geli lahaa shirka maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo gogoshiisa ay taalo magaalada Jowhar.
