Muqdisho-RisaalaFM- Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka hadleen xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo dhowaan lagu dhaariyay xarunta Iskool-buluusiya ee Magaalada Muqdisho.
Dadweynaha Muqdisho qaarkood ayaa waxa ay sheegeen xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka in ay ku jiraan xildhibaano, Da’yar, oo isbedel iyo hogaan wanaagsan u keeni kara dadka iyo dalka.
Sidoo kale qaar ka mid ah shacabka oo aragtidooda ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen xildhibaanada qaar ee Baarlamaanka in ay yihiin kuwo dalka dambi ka galay, loona baahan yahay in laga saaro Baarlamaanka cusub.
27-kii Bishan ayaa Muqdisho lagu dhaariyay 283 Xubnood oo ka tirsan labada Aqal ee dalka, waxaana dhiman xubno kale kuwaas oo aan qaarna wali la dooran halka kuwana lagu eedeeyay in ay ku soo baxeen qaab aan waafaqsaneyn sharciga Doorashada dibna loo celiyay.
