Garowe-RisaalaFM- Sarkaal ka tirsan xubnaha ka howlgala Qunsuliyada Itoobiya ay ku leedahay magaalada Garowe, ayaa lagu eedeeyay in uu xoog ku haysto guri uu leeyahay muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo ku yaal magaalada Garowe.
Guriga ayaa la sheegay in uu leeyahay Duqii hore ee magaalada Gaalkacyo ee Puntland Col. Siciid Cabdi Faarax, wuxuuna sheegay muwaadinkaan in ninka degan guriga uu yahay Sarkaalka dhanka Millateriga u qaabilsan Qunsuliyada Itoobiya ee magaalada Garowe.
Markii uu degaayay Sarkaalkaan ayaa wuxuu sheegay in ay ku heshiiyeen kolkii guri loo baahdo inuu ka guuraayo, balse arintaasi uu ka baxay oo uu iska indha tiray.
Duqii hore ee degmada Gaalkacyo Siciid Cabdi Faarax ayaa sheegay arinta guriga ku saabsan in ay soo farageliyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, isaga oo u sheegay inuu u baahan yahay gurigiisa.
Waxa uu sheegay muddo kadib Sarkaalka Itoobiyaanka in uu u sheegay guriga inuusan ka baxeyn, sidaasina ay ku amreen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, taasi oo uu sheegay inay tahay arin xaqdaro ah, maadaama guriga uusan laheyn maamulka, balse si shaqsi ah uu u leeyahay.
Duqii hore ee Gaalkacyo ayaa sheegay in uu Wasaarado badan oo Puntland iyo Maxkamada Sare u maray sidii uu gurigiisa ku heli lahaa balse aysan arrintiisa waxba ka qaban.
