Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO:Dowladda oo qiratay in weerarkii Laanta Buuro Gaadiid dagaal loogala wareegay

Iyadoo xalay weerar Abaabulan Shabaab ay ku qaadeen Ciidamada Millateriga Guutada Shanaad ee Xerada Ciidan ku leh deegaanka Laanta Buuro, ayaa Saraakiisha ciidamada Millateriga dowladda waxa ay ka hadleen dagaalkaasi.

Taliska Ururka Koowaad Guutada Shanaad ee Ciidanka Xooga dalka Somaaliyed Gaashaanle Axmed Absuge Cabdulle, ayaa sheegay weerarkaasi inuu ahaa mid ay soo qaaden Ururka Al Shabaab.

Gaashaanle Axmed Absuge Cabdulle oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa qiray in Shabaab ay gaadiid dagaal ka kaxeysteen Xerada Laanta Buuro oo weerarka qorsheysan ay ku soo qaadeen.

Al-shabaab ayaa baraha Internetka ay wararka ku faafiyaan waxa ay ku sheekteen in ay guulo ka gaareen oo ciidan ka tirsan dowladda ay ku dileen dagaalkaasi.

Hayeeshee waxaan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-shabaab eek u aadan in ciidan tiro badan ay halkaasi ku dileen.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/03/War-Faysal-Laanta-Buuro-.mp3?_=1
Exit mobile version