Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Saameyn intee la’eg ayaa ka dhalan karta lacagtii laga xaday Bankiga Dhexe

Muqdisho-RisaalaFM- Markii ugu horeysay Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Dalka Bashiir Ciise Cali ayaa Khamiistii aynu soo dhaafnay wuxuu shaaciyay in Qasnada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Bankiga Dhexe laga xaday lacag dhan $ 530,000, waxaana uu ku eedeeyay arintaasi in uu ku kacay Qasanajigii hayay furaha Bankiga Dhexe ee Dalka.

Wuxuu sheegay Laamaha amniga ee Dowladda, Nabad Sugidda iyo CID-da in ay ku wargeliyeen shaqsigaasi lacagta ka xaday Bankiga Dhexe si ciidanka amniga ay gacanta ugu soo dhigaan.

Bashiir Ciise Cali Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa sidoo kale sheegay lacagta lagala baxay Bankiga Dhexe in loo maray in lacag faalso ah la geliyo Qasnada Dowladda lacagta nadiifka ahna lagala baxay, balse baaritaan ay sameeyeen kadib arintaasi ku ogaadeen.

Iyadoo xilligan Dalka uu ku jiro Marxalad kala guur ah islamarkaana Dalka uu isku diyaarinayo Doorashada Madaxtinimada ayaa xubnaha Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay sheegeen iyagoo ka falcelinaya lacagata lagala baxay Bankiga in ay u yeereen Gudoomiyaha Bankiga Dhexe Bashiir Ciise Cali si ay wax uga weydiiyaan lacagta lagala baxay Bankiga Dhexe.

Waxaana xubnaha Baarlamaanka ay sheegeen arintan in lagu wergeliyay Xaiifka Xeer-ilaalinta Qaranka, Xafiiska Hanti-dhowrka Guud sida uu Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho u sheegay Xildhibaan Maxamed Nuuraani Abakar oo ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Marka aynu eegno dhaqaalaha fara badan ee lagala baxay Bankiga Dhexe ee Dalka waxaa jirta saameyn fara badan oo ka dhalan karta.

Aqoonyahan Cumar Nuur Cali oo ka tirsan Aqoonyanada Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ka sheekeynaya saameynta ka dhalan karta lacagta lagala baxay Bankiga Dhexe ee Dalka.

Ilaa iyo hada kama aysan hadlin Madaxda Dowladda lacagta lagala baxay Bankiga Dhexe ee Dalka, taasi oo ay su’aalo ka keenayaan siyaasiyiinta iyo xubanaha Musharixiinta.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/08/Warbixin-Faysal-lacagta-Bankiga-dhexe.mp3?_=1
Exit mobile version