Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu sheegay in uu wado kulamo wada tashi ah oo uu la sameynayo qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka, si loo soo xulo Gole Wasiiro oo ay shacabka ku qanacsan yihiin.
Waxa uu sheegay Golaha Wasiirada ee la soo dhisayo in ay noqon doonaan kuwo ka turjumaya shacabka iyo rabitaanka Baarlamaanka, iyo baahida dalka uu u qabo Dowlad ka sii amba qaada halka uu hada dalka marayo.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in uu ka muuqdo rabitaan xoogan, sidaasi darteedna xukuumada ay si dhow ula shaqeyneyso shacabka Soomaaliyeed iyo sidii ay wax uga qaban laheyd baahiyaha gaarka ah.
Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay Baarlamaanka Federaalka in uu ka muuqday rabitaan xoogan oo ay u qabaan Dowlad, isagoo tilmaamay wada shaqeynta hada in ay sii xoogeysaneyso.
Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shalay xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, kadib munaasabad ka dhacday Muqdisho, taasi oo Ra’iisul Wasaare Khayre lagu barayay Golaha Wasiirada ee waqtigooda uu dhamaaday.
