Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Risaala oo Sanad guuradeeda awgeed fulisay Howlo gar gaar “SAWIRRO”

Maanta oo ay Taariikhda ku beegneyd 24 April Waxaa loo dabaal dagay Sanad guuradii 6-aad ee ka soo Wareegatay Markii la aas aasay Idaacada Risaala.

Hambalyo, Dhiira gelin, Talo siin iyo soo bandhigista waxqabadka Maamulka iyo Shaqaalaha Idaacada Risaala ayay wadaageen hadba Xasuusta qof walbo inta ay la eg tahay bulshada qeybaheeda kala duwan.

Maamulka iyo Shaqaalaha Idaacada Risaala ayaa sanad guuro walbo la yimaada Fikir Cusub iyo Barnaamijyo ay kaga duwan yihiin Warbaahinada kale ee Gayiga Soomaaliya ka howlgala.

24 April sanadkii 2013 Idaacada Risaala ayaa Farxada Sanad guurada awgeed waxa ay la qeybsatay dadka dhibirka la’a ee ku jira Xero ku taalla Degmada Xamar Jajab.

24 April Sanadkii 2015 Idaacada Risaala ayaa abaalmarino iyo bilado qaali ah Waxa ay guddoonsiisay qaar ka mid ah shaqaalaha Idaacada Risaala iyo qaar kale oo howlo badan ka soo qabtay Idaacada Mudada ay joogeen.

Abaal Marinada iyo Biladaha Maamulka Risaala uu bixiyay waxa uu noqday Barnaamij Dhiira gelin ah iyo mid tusaale u noqda Warbaahinada kale.

Sidoo kale Sanadkii 2015 Waxa uu ahaa sanad Farxad iyo guulba leh Sababtoo ah Maamulka Idaacada Risaala ayaa ku guuleystay in uu qabto Barnaamij Tartan Quraanka Kariimka ah oo u gaar ah dadka araga naafada ka ah.

Barnaamijkaasi waxaa ka dhashay Fikir kale oo Risaala ay ku guuleysatay in dad badan oo araga Naafo ka ahaa in aragooda ay dib u heleen oo loo sameeyo Indho fiiqis lacag la’aan ah.

Maanta oo ay Taariikhda ku began tahay 24 April 2017 Idaacada Risaala ayaa gargaar Caafimaad waxa ay u sameysay ku dhawaad 100 qof oo ka mid ahaa dadkii ka soo barakacay abaarta ka jirta gobolada Dalka.

Barnaamijkan ayaa Idaacada Risaala waxa ay la kaashatay Maamulka Isbitaalka Soomaali Siiriyaan iyo Jaamacada Jobkeey, waxaana fududeeyay Maamulka Degmada Kaxda Maadaama dadka gargaarka loo sameeyay ay ku nool yihiin Degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed C/llaahi Ismaaciil ayaa Maamulka Risaala ku amaanay howsha adag oo ay bulshada u heyso iyo go’aanka ay sanadkaan qaadatay.

Agaasimaha Guud ee Idaacada Risaala Mudane Maxamed C/wahaab C/llaahi ayaa ka warbixiyay howsha ay Maanta ka qabteen Degmada Kaxda iyo inta qof ee ka faa’iideysatay gargaarkaasi Caafimaad.

Maamulka Idaacada Risaala ayaa Shacabka Soomaaliyeed u balan qaaday in sanadkaan u bilowday ay la imaan doonaan Isbadal cusub.

Sidoo kale Maamulka ayaa balan qaaday in la soo kordhin doono Barnaamijyo Cusub, sidoo kalena la tayeen doono  kuwa hada ka baxa Idaacada.

W/D: -Axmed Cabdi Cali

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/04/Warbixinta-Axmed-Cabdi-Cali-iyo-Sanad-Guurada-6-aad.mp3?_=1

 

Sawir qaade:- Cabdirashiid Cali Dubbad

 

 

Exit mobile version