Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay Dacwadda Muranka Badda

Garoowe-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland, kadibna la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay Muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa iska fogeeyey in uu ku lug leeyahay arrimaha Badda ee Soomaaliya, oo hadda Dacwadeedu ka socota Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

Wuxuu sheegay in sanadkii 2005-tii uu socday qorshan oo uu isaga ka horeeyey laguna been abuurtay, waxaana uu sheegay in ay sugayaan natiijada ka soo baxda Dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Shalay ayay aheyd markii Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee ku taala Magaalada Hague ee Dalka Holland ay si rasmi ah uga furantay Dhagesiga Dacwada Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ay socon doontaa ilaa iyo Maalinta Jimcaha.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/09/Cod-Raiisul-wasaaraha.mp3?_=1
Exit mobile version