Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Ra’iisul wasaaraha oo Beledweyne kulan kula leh Odayaasha dhaqanka

Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa waxa uu gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga waxaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif International Airport ee magaalada Beledweyne.

Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka Hiiraan qeybihiisa kala duwan, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Waxaana uu kulamo la qaadan doonaa Odayaasha dhaqanka iyo maamulka gobolka Hiiraan, iyadoo ujeedada ugu weyn uu halkaasi u gaaray ay tahay maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo qaarka mid ah Odayaasha Hiiraan ay dhaliilsan yihiin oo uu Ra’iisul wasaaraha kal hadli doono.

Wariye Yuusuf Cabdi Aadan oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaan ka wareysanay arimhaasi.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/03/Wareysi-Hiiraan.mp3?_=1
Exit mobile version