Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyey in xukun lagu riday Shabaabkii lagu soo qabtay dagaalkii ka dhacay deegaanada maamulka Puntland.
puntland waxay sheegtay in xukun dil ah lagu riday raggii ka tirsan Shabaab ee ku jiray xabsiyada maamulka Puntland.
Xeerilaaliyaha maxakamada maamulka Puntland Cabdulaahi Xirsi Cilmi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in raggaas lagu helay danbiyadii lagu soo oogay islamarkaana xukun dil ah lagu riday.
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegaya in dagaalkii raggaas la la galay ay ku dhinteen 24 askari oo k atirsan ciidanka Puntland ayna ku dhaawacmeen 72 askari.
Puntland ayaa sheegtay in raggaasi ay kusoo duuleen deegaanada maamulka Puntland sidaas darteedna lagu xukumay dil toogasho ah.
