Wasiirka amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali qarjab oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa soo bandigay sharciyo cusub oo lagu ilaalinayo amaanka guud ee Puntland.
Wasiirka Wasaardda amniga maamulka Puntland ayaa sheegay in sharciyadaan ay qabanayaan muwaadiniinta reer Puntland iyo dadka Soomaaliyeed ee Puntland kasoo galaya xaduudaha kala duwan, isagoona sheegay in dukumintiyo caddaynaya qofkasta la siin doono dhamaan dadka Puntland soo galay iyo kuwa soo galaya.
Dadka imaanaya ayuu sheegay in ay damaand Puntland ku soo galayaan, sidoo kale qofka shaqaalaha noqonaya in laga rabo in qofka uu u shaqaynayo uu damiinto taas oo kaalin muuqata ka qaadan doonta amniga guud ee Puntland.
Arimaha kiraynta guryaha ayuu tilmaamay in ay soo marayaan xafiis loo samaynayo xarunta xaafada, waxaana la hubinayaa cida guriga dagtay iyo xogtooda oo dhamaystiran.
Gaadiidka isaga goosha Puntland ayaa lagu soo rogay inay qaataan warqad la xariirta Gaariga lambarkiisa, halka qof ku dagayo iyo halka dadkaas ku kala dagayaan.
Shuruucdaan cusub ee la xariira amniga ayaa hadii sidaas loo dhaqan galiyo kaalin lixaad leh ka qaadan kara amniga guud ee Puntland.
