Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Puntland oo soo bandhigtay Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

Garowe-RisaalaFM- Maamulka Puntland ayaa soo bandhigay Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare u matalaya Maamulkaasi iyo sida ay ugu tartamayaan.

Puntland ayaa isbedel ku sameysay Xubnaha Aqalka Sare, iyadoo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) uu u gudbiyay Golaha Baarlamaanka Maamulkaasi.

Xoghayaha Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa saxaafada u aqriyay Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare iyo sida ay kuraasta ugu tartamayaan.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka ayaa horey Saddex Maamul oo uu ka mid yahay Maamulka Puntland ugu celiyay Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare, kadib markii ay soo cadeyn waayeen Qoondada Haweenka.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/10/cod-pun.mp3?_=1
Exit mobile version