Ciidanka maamulka Puntland ayaa maanta howgal lagu soo qabtay dad aad u farabadan waxay ka sameeyeen magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland.
Dadka kunool magaalada Garoowe ayaa saakay kusoo waabariistay howlgallo culus oo aan horay looga baran deegaanada maamulka Puntland.
Xalay ayaa magaalada Garoowe waxaa laga maqlay rasaas xoogan waxaase lagu macneeyay inay ahayd in dad qoryo wata ay diideen inay hubka dhigaan,balse markii dambe lagu guulaystay oo ay ahaayeen ciidamo kale.
Taliyaha ciidanka Komaandooska maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay soo celiyaan nabadgelyada magaalada Garowe.
Duqa magaalada Garoowe Xasan Goodir ayaa sheegay in sababta howlgalka loogu fuliyay magaalada Garoowe in ay tahay habacsanaa laga dareemay dhanka amniga.
Gudoomiyaha gobalka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in uu howlgalkan yahay mid lagula dagaalamayo dadka falalka amnidarada ah ka wada deegaanada maamulka Puntland.
