Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Puntland oo ka hadashay Gawaarida ay ka mamnuucday Deegaanadeeda

Gaalkacyo-RisaalaFM- Kadib markii Maamulka Puntland ay soo saareen wareegto Gaadiidka ka yimaada Koonfurta Soomaaliya looga mamnuucayo in ay u gudbaan Deegaanada Puntland ayaa waxaa maanta shir jaraaid qabtay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar (Camey) ayaa wuxuu sheegay wareegtadan ay soo saareen ujeedkeeda in uu yahay sidii loo adkeyn lahaa amniga, balse aysan ula dan laheyn in cid gaar ah lagu dhibaateeyo.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar (Camey) ayaa sidoo kale Wuxuu sheegay in maamulka Puntland uu wado qorshe guud oo amniga lagu sugayo.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ka kala taliya Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo, waxaana amarkan ay soo saareen Puntland uu saameyn ku yeeshay Ganacsatada, Gaadiidleyda isaga kala guusha Deegaanada Puntland iyo Gaalkacyo.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/08/Cod-Camey.mp3?_=1
Exit mobile version