Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camey oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wadahalada nabada ee ka socda Gaalkacyo aysan aheyn kuwo loo maray hanaankii ay ku heshiilahaayeen bulshada kunool gobolka Mudug.
Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in wadahalada faraha looga qaado waxgaradka gobolka Mudug , islamarkaana ay haboon tahay in Madaxda Puntland iyo Galmudug ay ka dhex baxaan wadahalada ka socda Gaalkacyo.
Waxaa uu sheegay in Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmududg aysan ogeyn waxyaabaha ay isku haystaan bulshada kunool Gaalkacyo .
Camey ayaa ku baaqay in wadahalada loo madaxbaneeyo waxgaradka gobolka Mudug , islamarkaana dadka siyaasiyiinta ah ay ka dhexbaxaan.
