Ciidamada Booliska maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhaawaqay in uu isku soo dhiibay Askari ka tirsanaa ciidamada Al-Shabaab ee ku sugan degaanada maamulka Koonfur Galbeed.
Mahad Cabdiraxmaan Aadan taliyaha ciidamada Booliska maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Askarigaasi ay gacanta ku hayaan ,islamarkaana uu la shaqeyn doono.
Taliyaha ayaa sheegay in ninkaasi lagu magacaabo Mustaf Xasan,islamarkaana uu muddo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Waxaa uu ugu baaqay dagaalyahanada kale ee Al-Shabaab in ay isku soo dhiibaan Koonfur Galbeed.
