Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Muxuu yahay Hal ku dhiga Dowlada ?

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay Dowlad walba in ay leedahay hal ku dhig iyo Astaamo u gaar ah, Hal ku dhiga Dowladana ay tahay Dib u heshiisiin iyo Dib u dhis.

Waxa uu sheegay Dowladan in ay ku dhisan tahay Saddex arrimood oo aas aasi ah, kuwaasi oo kala ah Amaanada ummada ay Dowladda u dhiibatay, Cadaalada in lagu shaqeeyo iyo Hormarka Dalka.

Sidoo kale Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay muhiim in ay tahay shacabka iyo Dowladda Federaalka in ay wada shaqeyn dhex marto, si guul loo gaaro.

Hadalkan ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu ka sheegay xilli uu ka qeyb galayay Kalfadhiga koowaad ee Baarlamaanka Federaalka, kaasi oo lagu ansixinaayay Ra’iisul Wasaaraha cusub Xasan Cali khayre.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/03/Cod-Farmaajo.mp3?_=1
Exit mobile version