Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Munaasabadda waxqabadka Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed “Sawirro”

Munaasabad looga hadlaayay Waxqabadka Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho , waxaana Munaasabadaasi soo qaban qaabiyay Xafiiska isku duwidda ee Ururkaasi.

Waxaa kasoo qeyb galay Munaasabaddaan Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Jaamacaddaha Muqdisho, Odayaal, Shaqaalaha Ururka iyo Marti Sharaf kale.

Farxaan Yaxye oo ah Agaasimaha guud ee Barnaamijyadda Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo munaasabadda ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed uu yahay Urur heer Qaran ah ,islamarkaana digreeto Madaxweyne kusoo baxay Sanadkii 1963-dii.

Farxaan ayaa sheegay in Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed uu u adeego Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka taagta daran ee u baahan in la caawiyo.

Waxaa uu tilmaamay in Shaqooyinka ugu badan ee ay qabteen ay yihiin howlaha Caafimaadka , isagoona xusay in ay gargaar Caafimaad gaarsiiyaan dadka kunool meelaha aysan dowladda iyo Hay’adaha kale tagi karin.

Farxaan Yaxye  Agaasimaha guud ee Barnaamijyadda Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyntii sheegay in Ururka uu kusoo shaqeeyay Marxalad adag Xilliyadii Burburka ,islamarkaana ay sii wadi doonaan Shaqooyinka ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed.

Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa Bixiya adeeg u badan Caafimaad , waxaana uu si weyn usoo caan baxay Xilliyadii Burburka.

 

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/05/Bisha-Cas.mp3?_=1

 

 

 

 

 

Exit mobile version