Maamul goboleedka Puntland ayaa waxa ay kasoo horjeesteen in isbedel lagu sameeyo xeer hoosaadka baarlamaanka Soomaaliya xilli shalay kulankii baarlamaanka lagu furay daahfurka dib u eegista dastuurka ku meel gaarka ee dalka.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka iyo arimaha federaalka maamulka Puntland C/raxmaan Cabdi Ismaaciil ayaa sheegay in wax ka badal aysan ku samayn karin baarlamaanka Soomaaliya dastuurka dalka u yaala isagoo tusaale u soo qaatay qodob ka mid ah qodobada la sheegay in wax ka badalka lagu sameeyay taasi oo ah arinta ku aadan caasimad ahaanshaha magaalada muqdisho.
Waxaa xusid mudan in kulankii shalay ka dhacay xarunta golaha shacabka ee daahfurka dib u eegis dastuurka ku meel gaarka dalka in lagu casuumay wakiilo ka kala socda baarlamaanada maamul goboleedyada dalka halka baarlamaanka maamulka Puntland la sheegay in uu ka cudur daartay ka qayb galka kulankaasi.
