Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO:- Mid ka mid ah Xildhibaanadii lagu dhaariyay Muqdisho oo Gud/ Baarlamaan isku soo sharaxay

Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah Xildhibaanada Maanta lagu dhaariyay Magaalada Muqdisho ayaa isku soo sharaxay Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan idiris Cabdi Dhaqtar oo Warbaahinta la hadlay Xaflada dhaarinta ka dib ayaa sheegay inuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Aqalka Hoose.

Waxa uu sheegay in uu la imaan doono isbadal muuqda isla markaana uu ka shaqeyn doono Midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in uu yahay shaqsi ka soo bixi kara hogaaminta Xildhibaanada Golaha Shacabka, isbadalna uu la imaan doono hadii uu ku guuleysto xilkaasi.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar ayaa noqonaya Xildhibaankii ugu horeeyay ee ka soo jeeda Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee shaaciyay inuu yahay Musharax Guddoomiye Baarlamaan.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/12/qaado.mp3?_=1
Exit mobile version