Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaan hore Maxamed Cumar Maxamuud iyo Xildhibaan Nadiifo Maxamed Cusmaan oo labaduba ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaankii 9-aad oo wareysi siiyay TV-ga Somali-cable ayaa waxa ay ka hadleen shuruucyihii ay qabyeeyeen Baarlamaankii ay ka mid ahaayeen oo muhiim u ahaa Dalka Soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in ay jiraan shuruuc badan oo Baarlamaankii hore la horkeenay, kuwaas oo u baahan in Baarlamaanka cusub ay dhameystiraan, maadaama dhamaan Dalka ay muhiim u ahaayeen, sida uu sharaxayo Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud.
Tusaale kale oo ka mid ah waxyaabaha xildhibaanadii hore ay qaban waayeen, waqtigana loo waayay waxaa nala wadaageysa Xildhibaan Nadiifo Maxamed Cusmaan oo ka mid aheyd Baarlamaankii 9-aad ee Dalka.
Dhacdooyinka lagu xusuusan doono Baarlamaankii 9-aad ee Dalka soo maray waxaa ka mid ah Mooshinkii xilka looga qaaday Labo Ra’iisul Wasaare oo kala ahaa Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo C/wali Sheekh Axmed Maxamed, kuwaas oo loo diiday in ay hortagaan Baarlamaanka, maadaama xeer hoosaadka iyo Dastuurka aan lagu xusin.
Xildhibaan hore Maxamed Cumar Maxamuud ayaa ka hadlaya arrintan, waxaana uu talo soo jeedin u sameeyay Baarlamaanka 10-aad ee Dalka.
Ugu dambeyntii Xildhibaan Nadiifo Maxamed Cusmaan ayaa soo hadal qaaday awoodaha xildhibaanada Golaha shacabka iyo kuwa Aqalka Sare ay kala leeyihiin, waxaana ay sheegtay in aysan jirin awood qeexan oo labada dhinac ay leeyihiin, iyada oo kaga digtay in dhexdooda uu khilaaf uu ka dhex yimaado oo ay ka shaqeeyaan danta ummada Soomaaliyeed.
Hadii xildhibaanada Labada Aqal ay isku qabtaan sharciyada qaarkood ama arrimo kale Dastuurka Dalka waxa uu dhigayaa in loo saaro waxyaabaha la isku qabtay Guddi labada dhinac ka kooban oo muranka xaliya sida uu inoo sheegay Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud.
Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka ayaa laga doonayaa in ay wax badan ka bartaan qaladaadkii iyo waxqabadkii Baarlamaanii 9-aad ee Dalka soo maray.
W/D:- Mohamed Isse Mohamud
