Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Maxay tahay Sababta ay Isku casishay Wasiir Maryan?

Maryan Qaasim Axmed Wasiirkii Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay iska casishay xilkaasi.

Maryan Qaasim oo si kooban ula hadashay Goobjoogtv  ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay ku sheegtay inay iska casishay xilkaasi.

Waxa ay sheegtay sababaha ay isku casishay in ay tahay barbaar yaac ka jira Xukuumada dhexdeeda.

Waxa ay tilmaamtay in aysan ku noqon doonin Mucaarad dowladda Soomaaliya ,islamarkaana ay la shaqeyn doonto.

Maryan Qaasim ayaa lagu tilmaamaa in ay mid tahay dadka sida aadka ah ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maadaama ay ka wada tirsan yihiin hal xisbi.

Exit mobile version