Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Maxaa meel la iskula dhigay shirkii London ?

London-RisaalaFM- Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa xalay lagu soo gaba gabeeyay shirkii looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, kaasi oo hal maalin socday.

C/raxmaan Ceynte oo ahaa Madaxii qaban qaabada shirkan ayaa sheegay in meel la isla dhigay qodobadii shirka looga hadlay oo dhan, kuwaasi oo kala ahaa Amniga, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo heshiis ku saabsan qaabkii Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ay u wada howlgeli lahaayeen.

Waxa uu sheegay shirka in lagu soo gaba gabeeyay in shaqo la kala qaato, taasi oo aheyd wixii Dowladda Soomaaliya ay soo bandhigatay in ay soo qabato, Beesha Caalamka oo hiilo balan qaadayna ay taageeraan.

Ceynta ayaa sidoo kale sheegay in Lix bilood kadib hadii uu Alle idmo in kulan kale oo caalami ah la iskula soo noqdo, lana qiimeeyo howshii lagu balamay meesha ay mareyso.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya in shirka London ay la tagtay qorshayaal mideysan, oo wax tar u leh dadka iyo dalka.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/05/Ceynte.mp3?_=1
Exit mobile version