Boosaaso-RisaalaFM- C/wali Gaas oo safar shaqo 4 maalmood qatay ugu maqnaa magaalada Abu-dhabi ee xaruntka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka warbixiyey safarkii sahqo ee uu ku tagay wadamada Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in safarkaasi ku soo gaba gaboobay guul iyo is afgarad.
“kulamadii aan la yeelanay madaxdii aan la kulananay waxay ahaayeen kuwo ku saabsanaa adkaynta amniga, xoojinta xidhiidhka siyaasadeed ee u dhaxeeya Puntland iyo UAE iyo kobcinta ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland.” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Madaxweyne ayaa waxa uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyaa dowladda Imaaraadka Carabta maadaama dhowr jeer oo hore safaro shaqo uu ku tagay magaalada Dubai.
