Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo oo maanta furaya kalfadhiga Aqalka Sare

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta lagu waddaa in uu furo kalfadhiga labaad ee Xildhibaanada Aqalka Sare.

Mudanayasha Baarlamaanka Aqalka Sare ayaa bilihii lasoo dhaafay ku maqnaa Fasax.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa lagu waddaa in uu xildhibaanada u jeediyo khudbad dheer oo uu kaga hadlaayo xaaladda dalka uu ku jiro iyo sidoo kale waxqabadkii dowladda Muddii ay jirtay.

Ammaanka qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay , iyadoona wadooyinka soo gala xarunta Aqalka Sare iyo Madaxtooyadda Ciidamada dowladda ay ka waddaan baaritaano culus.

Xildhibaan Xuseen Sheekh Maxamuud oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Kalfdhiga Labaad Munaasabadda lagu daahfuraayo ay ka qeyb galayaan madaxda Sare ee dalka.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/07/Wareysi-Xildhiban-aqal-sare-.mp3?_=1
Exit mobile version