Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta salaaddii Jimcaha keddib ka hadlay Masjidka Shuhadada ee Villa Somalia ayaa bogaadiyay hawlgallada ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka ay ka waddaan gobolka Shabeellaha Hoose.
Madaxweynaha waxaa uu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in guud ahaan lasoo Afjaro dagaalyahanada Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in Al-Shabaab aysan marna la dagaalami doonin dowladdaha ka dambeeya, islamarkaana Muddo xileedka u dhiman lagu soo Afjari doono.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay garab istaaggaan Ciidanka inta ay socdaan howlgallada ka dhanka ah dagaalyahanada in ay socdaan.

