Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay qaar ka mid wakiilada beesha caalamka ee u fadhiya dalka Soomaaliya kuwaas oo uu kala hadlay daryeelka iyo taageerida ciidanka militariga Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahdaceliyay wakiilada beesha caalamka doorka ay ka qaadanayaan taageerida ay siinayaan ciidanka Soomaaliya iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa kala hadlay danjiriyaasha wakiilada u fadhiya Soomaaliya Q.M, Midowga Yurub, Imaaraadka carabta iyo xubno kale sidii loo dar dar galin lahaa howlgalada dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in ay ka bilowdo gobolada dalka.
Afhayeenka madaxweynaha Soomaalliya Daa’uud Aweys oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka muhiimadiisa ay ahayd amniga iyo sidii ciidamada qalabka sida looga taageeri lahaa xaga qalabeynta.
Qaar ka mid wakiilada beesha caalamka ayaa sheegay in ay ka go’antahay sidii ay usii wadi lahaayeen taageerada gaarka ah ay siinayaan dalka Soomaaliya.
