Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaamka ayaa faahfaahin ka bixiyay Ciidankii ay dhawaan ku dhawaaqeen in ay dhisanayaan madaxda maamul goboleedyadda.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Fursadda ugu badan Jubbaland ay ka heli doonto Ciidankaasi,Maadaama inta badan degaanada maamulka Jubbaland ay ku sugan yihiin Ururka Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in Maamulada ay dhisan doonaan Ciidan xooggan oo isugu jira Milatari iyo Sirdoon.
Sababta ugu weyn ee Ciidankaasi loo Aasaasayo ayuu ku sheegay in ay tahay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Madaxda maamul goboleedyadda ayaa ku dhawaaqay in ay si deg deg ah u sameysan doonaan 4 Kun oo Askari oo loogu tala galay in ay ka howlgallaan degaanada maamul goboleedyadda.

