Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Madaxweynaha Hirshabelle oo baaq diray

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble  ayaa sheegay in abaaro baahasan  ay ka jiraan degaanada Hirshabeelle dadkuna haatan ay u baahanyihiin gar gaar deg deg ah.

Madaxweyne Cosoble ayaa sheegay in dadka ay haystaan dhibaatooyin kala duwan ,islamarkaana ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan abaaraha .

Sidoo kale waxaa uu xusay in degaanada maamulka Hirshabeelle ay soo gaareen dad aad u farabadan kuwaa soo kasoo barakacay degaanada Galmudug iyo Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa hadalkaan  sheegay xilli uu shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/01/cosoble.mp3?_=1
Exit mobile version