Kulanka todobaadlaha gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, ku Xigeenadiisa iyo Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo Maanta lagu qabtay Xarunta aqalka dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa laga so saaray go’aano la xiriira dhismaha guryaha ku yaalla degmooyinka gobolka.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale lagu go’aamiyay in cid walbo oo dhisaneysa guri iney qaadato fasax isla markaana ay timaadao xarunta aqalka dowladda Hoose ee Xamar.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo kulanka ka dib lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in go’aano adag laga soo saaray dhismaha guryaha ku yaalla gobolka Banaadir.
Sidoo kale maamulka gobolka Banaadir ayaa go’aamiyay in dib loo soo celiyay Ciidanka nabad galyada iyo anshaxa ee dowladda Hoose ee Xamar.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in dib loo soo celinayo ciidankaasi si loogu hortago anshax xumada iyo in Xarumo aa wanaagsaeyn laga furo Caasimada Muqdisho.
Kulanka todobaadlaha gudoomiyaha gobolka Banaadir, ku Xigeenadiisa iyo gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale looga hadlay dardargelinta howlaha Nadaafada Gobolka iyo sidoo kale dhameystirka Barnaamijka Deriseynta.
