Muqdisho-RisaalaFM- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ka hadlay Ciidamo la sheegay in ay ku lebisan yihiin Dareeska Ciidanka, kuwaas oo is hor istaag ku sameeya Howlaha Maamulka Gobolka Banaadir.
Gudoomiye ku xigeenka Dhinaca Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay jiraan Ciidamo ku lebisan Dareeska Ciidanka, kuwaas oo is hor istaag ku sameeya Howlaha Maamulka Gobolka Banaadir, sidoo kalena qal qal geliya Amniga Gobolka.
Dhinaca kale Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Gudoomiye ku xigeenka Dhinaca Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay wadaan qorshe looga hortagayo kooxahan, isagoo sidoo kale sheegay in ay kulamo la qaadan doonaan Talisyada Ciidanka si ay ugala hadlaan sidii loo keeni lahaa Ciidamo la yaqaan oo Amniga suga.
Qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa xilliyadii habeenkii waxaa ka dhaca falal dhac loogu geysanayo shacabka, waxaana falalkaasi geysta Ciidamo ku lebisan Dareeska Ciidanka.
