Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Maamulka G/Banaadir oo arimo muhiim ah ka hadlay

Muqdisho-RisaalaFM- Kulankii todobaadlaha ahaa ee Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Banaadir oo Maanta lau qabtay Xarunta aqalka dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa looga hadlay halka uu marayo Qorshaha lagu hormarinayo gobolka, kaarka Aqoonsiga ee Teesara Minishiibiya, dhismaha wadada Sodonka iyo isbedelada lagu sameeyay qaar ka mid ah Gudoomiyaasha degmooyinka iyo Arrimo kale.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, ku xigeenadiisa, iyo dhamaan Gudoomiyaasha degmooyinka.

Gudoomiye ku Xigeenka dhanka Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in la dardar gelinayo qaadista canshuuraha.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Arrin wanaagsan ay tahay in Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Maamulka gobolka in ay iska kaashaadaan isbedelada lagu sameynayo gudoomiyaasha gobolka Banaadir.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/08/War-Axmed-Cabdi-Cali-iyo-Gobolka-Banaadir.mp3?_=1
Exit mobile version