Qaar kamid ah dadkii ka barakacay fatahaada Wabiga Shabeelle ee Magaalada Baladweyne kuna sugan deegaanka Ceel-Jaalle ayaa waxaa ay sheegeen in la musuq maasuqay deeq kala duwan oo loogu talo galay.
Waxaa ay sheegeen in xalay iyo habeen ka horeysay ay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Hiiraan dad Ganacsato ah ku wareejiyeen Kaarar loogu talo galay in deeq lagu gaarsiiyo dadka ku barakacay deegaanka Ceel-Jaalle balse la musuq maasuqay.
Waxaa ay sheegeen in Kaararka la siiyey dad Gooni ah oo Ehel la ah dadka Ganacsatada ah iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan,waxaaba ay ugu baaqeen Madaxda Dowladda Federaalka inay arrintaan soo farageliyaan.
Cabashada kasoo yeertay Bulshada ku Barakacday deegaanka Ceel-Jaalle ayaa waxaa ka jawaabay kuxigeenka Duqa degmada Baladweyne Cabdi Cismaan Canjeex,waxaan uu sheegay in ka maamul ahaan aysan waxba kala socon wararka sheegaya in Xilli habeen ah kaararka dadka masaakiinta ah la kala qaato lana musuq maasuqo.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in arrintaan ay soo faragelin doonaan,isla markaana xilli Maalin ah la siin doono dadka Shacabka ah ee u baahan gurmadka kana soo barakacay fatahaada uu sameeyey Wabiga Shabeelle.

