Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Maamulka Buur-hakaba oo ka hadlay dagaal ay la galeen Shabaab

Maamulka degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay ayaa waxa ay ka warbixiyeen iska hor imaad ka dhacay meel aan ka fogeen degmada Buur-hakaba.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Buur-hakaba Axmed Shirqaan oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa  waxa uu ka warbixiyay iska hor imaadkaas udhaxeeyay ururka Al-shabab iyo ciidamada Koonfur Galbeed oo garab ka helaya ciidamada AMISOM.

Dhanka kale gudoomiye ku xigeenka ayaa waxa uu sheegay in ay la wareegeen deegaano ka tirsan degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay, waxaana uu tilmaamay in Al-shabaab ay dagaalka kal kulmeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa ciidamada gaarka ah ee Koonfur Galbeed waxa ay degmada Buur-hakaba ka wadeen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/04/War-Beydhabo-4.mp3?_=1
Exit mobile version