Maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxa ay soo saareen amaro ku aadan sugida amniga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Amaradan ayaa waxa ay ka dambeeyeen kadib markii Beledweyne ay ka dhaceen dilal qorsheysan oo loo geystay waxgarad iyo waliba dad bulshada muhiim u ah.
Taliyaha ciidanka boliiska magaalada Beledweyene Korneel Cali Dhuux Mahad Alle ayaan ka wareysanay amaradan la soo saaray iyo qorshayaasha ka dambeeya.
