Yuusuf Maxamed C/qaadir Gudoomiyaha degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo gaar ah oo uu sheegay in ay sugayaan amaanka guud ee magaalada Beled-xaawa.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay qorshooyin uu sheegay in ay u diyaariyeen sugida amniga degmada.
Gudoomiyaha degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo Yuusuf Maxamed C/qaadir ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay sugida amniga magaalada Beled-xaawo.
Waxaana uu sheegay in dhowaan ay bilaabi doonaan howlgallo lagu sugayo guud ahaan amniga gobolka Gedo.
Magaalada Beled-xaawa ee gobolka Gedo ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka dhacayay falal amni daro iyo dilal qorsheysan oo loo geysanaayay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gedo iyo dad shacab ah.
