Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Kulan looga hadlayay Tayeynta Hay’adaha DF oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Kulanka oo looga hadlayay Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dowladda oo uu maal galinayo Bankiga Aduunka waxaa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka ah, Agaasimayaal, Madaxda Guddiga shaqaalaha rayidka xubno matalayey Bankiga Dhexe iyo masuuliyiin ka socday xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Mashruuca oo isku dabaridkiisu uu leeyahay xafiiska Wasiirka koowaad ayaa dhinacyada ka qayb galay lala wadaagay xog ku saabsan halka uu ka soo bilowday Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dowladda, hadafka laga leeyahay iyo Doorka ay ku yeelanayaan dhinacyada ka qayb galay kulanka.

Wasiiru Dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/laahi Xaamud ayaa warbaahinta u sheegay in kulanka uu yahay wargalin iyo xog la wadaagis Wasiirada cusub oo door ku leh mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dowladda.

Hadafka ugu wayn ee Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dowladda ayaa ku salaysan sare u qaadista iyo horumarinta howlaha ay hayaan Hay’adaha Dowladda, sida uu mar kale sheegay C/laahi Xaamud Wasiiru Dowlaha xafiiska Raiisul Wasaaraha.

Dowladda Soomaaliya oo xiligan ku howlan dar dar galinta howlaha Qaranka ayaa wada qorshayaal kaalin ka qaadanaya dhismaha iyo sare u qaadista shaqada Hay’adaha Dowladda.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/04/kulanka-Hayadaha.mp3?_=1

 

Exit mobile version