Minneaoplis-RisaalaFM- Kulan ay isugu yimaadeen jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Idin-bareeri ee Gobolka Minnesota.
Kulankan oo ka dhacay Degmada Idin-bareeri ee Gobolka Minnesota ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda New American Academy.
Dadweynaha goobta isugu yimid ayaa waxa ay cabashooyin badan ka muujiyeen, sida Madaxda Magaalada ay dhegaha uga fureesteen baahiyahooda.
Asad Khaliif oo ah Agaasimaha Hay’adda New American Academy ayaa soo jeediyay cabashooyinka heysta Soomaalida ku nool Minnesota.
Soomaalida ku nool Dalka Mareykanka ayaa inta badan waxa ay la kulmaan hanjabaadyo iyo Islaam naceyb, taas oo ay u geysanayaan Dadka u dhashay Mareykanka.
