Kismaayo-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland iyo wafdi ka socda Hay’adda UNDP-da oo kulan ku yeeshay Magaalada Kismaayo ayaa ka wada hadlay dar dar gelinta hormarinta Degaanada Jubbaland.
Wafidgan ka socday Hay’adda UNDP-da ayaa waxaa hogaaminayay ku xigeenka Madaxa Hay’adda UNDP David Accopyon, waxaana kulan gaar ah uu la qaatay Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.
Kulankan oo ay saxaafada dibad joog ka aheyd ayaa waxaa inta badan diirada lagu saarayay sida Hay’adda UNDP Degaanada Jubbaland ay uga bilaabi laheyd adeegyo hormarineed.
Shirka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, waxaana uu sheegay UNDP-da in ay kala hadleen sidii dib loogu fiirin lahaa Qorshaha Hormarinta Qaranka ee ay dejisay Dowladda Federaalka.
Sidoo kale Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in UNDP ay ka dalbadeen in la soo xaqiijiyo tira koobkii hore ee aadka loogu yareeyay tirada dadka ku nool Degaanada Jubbaland.
