Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Koonfur Galbeed oo sheegtay in ay dishay Amiir ka tirsan Shabaab

Ciidamada gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgallo ay maalmihii lasoo dhaafay ay ka wadeen degaano hoos yimaada  degmada Diinsoor ee gobolka Baay  waxa ay sheegeen in ay ku dileen sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Taliyaha Amniga degmada Diinsoor  ee maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Haajir  ayaa waxaa uu sheegay  in howlgallo ay ka fuliyeen degaanka Raaxoole ee gobolka Baay ay ku dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in ay dileen Amiirka Al-Shabaab ee dhanka Zakawaadka , islamarkaana ay gubeen Gaari uu saarnaa.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ay sii laba jibaari doonaan howlgallada ay ka wadaan degaanada hoos yimaada degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/01/War-Risaala-Baydhabo-14-01-2017-1.mp3?_=1
Exit mobile version