Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Khayre “2018 waala dhameynaa dhismaha Dastuurka”

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay ka shaqeyneyso sidii dalka looga hirgelin lahaa axsaab siyaasadeed.

Waxa uu sheegay in xukuumadiisa ay ku dadaaleyso in ay dhameystirto dhismaha xisbiyada dalka 2018.

Sidoo kale waxa uu xusay in ay ka shaqeynayaan sidii Dastuurka qabyada ah looga dhigi lahaa mid dhameystiran oo ay talo ku leeyihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa waxa uu sheegay in sanadka 2020 ay rajeynayaan in xisbiyada dalka ay ka tashadaan siyaasada iyo hogaaminta dalka.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Khayre.mp3?_=1
Exit mobile version