Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Jubbaland oo wada qorshe lagu baahinayo nidaamka Federaalka

Kismaayo-RisaalaFM- Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ahna Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in ay wadaan qorshe lagu baahinayo Nidaamka Federaalka oo dalka uu qaatay.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Maxamuud meelaha qaar in ay ka taagan tahay dhibaato, maadaama dadka qaar aysan la qabsan nidaamka Federaalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay arrinta xuduudaha in ay tahay meelaha ay ka taagan tahay dhibaatada, laakiin ka Jubbaland ahaan ay wadaan kulamo ay la qaadanayaan Guddiga xuduudaha.

Xubno ka socda Guddiga xuduudaha Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay ku sugan yihiin Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo kulamo la qaadanaya Maamulka Jubbaland.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/05/cod-jubbaland-1.mp3?_=1
Exit mobile version