Kismaayo-RisaalaFM- Maamulka Jubbaland ayaa beeniyay war shalay ka soo yeeray ururka Al-shabaab, kaas oo ku aadanaa Askar ka tirsan Ciidanka Jubbaland in ay u soo goosteen Shabaab.
Afhayeenka Booliska Maamulka Jubbaland Jaamac Xasan Axmed oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid been abuur ah oo sal iyo raad mid aan laheyn.
Wuxuu sheegay in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa Ciidanka, Howlgalka Ciidanka iyo goobaha ay aadayaan Ciidanka Jubbaland ee isugu jira Nabad sugid, Militari iyo Boolis.
Jaamac Xasan Axmed Afhayeenka Booliska Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale wuxuu sheegay hadii arintaasi ay run tahay in Shabaab looga baahan yahay cadeyn cad in ay la yimaadaaan.
Al-shabaab ayaa shalay Degmada Jillib ku soo bandhigay Askar ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Ciidanka Jubbaland, kuwaas oo u soo goostay dhankooda.
