Kismaayo-RisaalaFM- Warar kala duwan ayaa waxa ay ka soo baxayaan dhacdadii uu ku geeryooday mid ka mid ah Askarta Ciidamada Maamulka Jubbaland ee ku sugan Duleedka Magaalada Kismaayo, balse wararkaas ayaa dhammaantood ka siman Askarigaasi geeriyooday.
Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in 4 Askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubbaland ay ku dhaawacmeen Qarax ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo.
Jubbaland oo arrintan ka hadashay ayaa gabi ahaan beenisay in Qarax uu ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo, laakiin waxa ay sheegtay in ay Israsaaseyn dhexmartay koox maleeshiyaad ah iyo kolonyo ka tirsan Ciidanka Jubbaland.
Afhayeenka laamaha amniga Maamulka Jubbaland Sayid Axmed Carab oo Risaala la hadlay ayaa sheegay Dagaal kooban oo labadaasi dhinac dhexmaray in uu ku geeryooday Hal Askari, sidoo kalena la soo qabtay koox Miino ku aaseysay wadada dhinaceeda.
